U bood content-ka
Software

CargoOS: Maamulka Cargo & Courier

Xamuul kasta laga bilaabo qaadashada ilaa gaarsiinta, oo leh tracking ay macaamiishu iyagu hubin karaan.

Nidaam loogu talagalay shirkadaha cargo-da iyo courier-ka ee alaabta u dira UK, Yurub iyo Bariga Afrika. Macmiilku online ayuu qiimo ku helaa oo ku ballansadaa, darawalku wuu soo qaadaa, bakhaarku wuu miisaamaa oo label u sameeyaa, kadibna shipment-ku manifest ayuu ku baxaa. Tallaabo kasta waa la raacaa, lacagahana waxaa lagu diiwaangeliyaa EVC Plus, ZAAD, Sahal, eDahab, M-Pesa, bank transfer ama kaar.

CargoOS: Maamulka Cargo & Courier
CargoOS: Maamulka Cargo & Courier
Muuqaal hordhac ah

Ku arag hal daqiiqo

Muuqaal gaaban oo sharaxaad leh oo ku tusaya shaashadaha dhabta ah, si aad u ogaato waxa aad helayso ka hor intaadan tijaabin demo-ga.

Muuqaallo kale YouTube
Shaashadaha

Sida uu u muuqdo

Guudmarka hawlaha: shipment-yada maanta, kuwa socda iyo bakhaarka

Guudmarka hawlaha: shipment-yada maanta, kuwa socda iyo bakhaarka

Ka ballanso oo kala soco telefoonka

Ka ballanso oo kala soco telefoonka

Astaamaha

Waxa uu qabto

Qiimo & ballan online

Macmiilku miisaanka iyo cabbirka ayuu ku helaa qiimo, website-ka ama telefoonka ayuu ka ballansadaa.

Tracking macaamiisha

Hal tracking number ayaa muujiya heer kasta, laga bilaabo qaadashada ilaa qofka saxiixay.

Qaadasho & darawallo

Waqtiyada qaadashada, shaqada darawalka iyo caddeynta gaarsiinta oo telefoonka darawalka laga diro.

Bakhaarka

Qaado, miisaan, kala saar oo label u samee xamuul kasta, iyo meelaha shelf-ka ee laan kasta.

Scan barcode

Kamarada telefoonka ku scan garee label-ka si aad shipment u hesho ama heerka xiga ugu gudbiso.

Manifest & kastam

Shipment-yada oo duulimaad lagu ururiyey iyo airway bill-ka, iyo marka kastamku hayo iyo marka la sii daayo.

Lacag-bixin

EVC Plus, ZAAD, Sahal, eDahab, M-Pesa, cash, bank transfer iyo kaar Stripe ah.

Invoice & maaliyad

Invoice, lacag celin, kharash iyo statement PDF ah, iyo waxa macmiil kasta lagu leeyahay.

Agent-yo & commission

Agent-yadu adiga ayay kuu ballansadaan oo lacag kuu qaadaan, nidaamkuna wuxuu xisaabiyaa waxa ay mudan yihiin.

Laamo & dalal

Laan kasta magaaladeeda, waqtigeeda iyo lacagteeda, iyo qiimo waddo kasta.

Warbixinno

Shipment-yada, dakhliga iyo waxqabadka laan, waddo iyo shaqaale kasta, iyo Excel.

Doorar & ammaan

Afar iyo toban door oo shaqaale, laba-tallaabo sign-in iyo diiwaanka cidda wax beddeshay.

Laga bilaabo qiimaha ilaa albaabka

Macmiilku website-kaaga ayuu qiimo ka helaa isagoo miisaanka iyo cabbirka gelinaya, iyadoo la adeegsanayo qiimayaashaada waddo kasta, isla markaasna wuu ballansadaa. Darawal ayaa la siiyaa qaadashada, bakhaarku xamuul kasta wuu miisaamaa oo label u sameeyaa, shipment-kuna heer kasta ayuu maraa ilaa gaarsiinta, iyadoo la kaydinayo cidda qaadatay.

Manifest, kastam iyo laamaha

Shipment-yada ku ururi manifest leh duulimaadka iyo airway bill-ka, oo diiwaangeli marka kastamku hayo iyo marka la sii daayo. Laan kasta waxay ku shaqeysaa magaaladeeda, waqtigeeda iyo lacagteeda, London iyo Manchester ilaa Nairobi, Muqdisho iyo Hargeysa.

Lacag la xisaabin karo

Shipment kasta wuxuu leeyahay invoice. Lacag-bixinta, lacag celinta, kharashyada iyo commission-ka agent-yada waxaa lagu xiraa, sidaas darteed haraaga lagu leeyahay had iyo jeer waa cad yahay. Macaamiisha iyo agent-yadu waxay leeyihiin portal u gaar ah oo ay ku ballansadaan, ku bixiyaan oo kula socdaan xamuulkooda.

Demo toos ah

U tijaabi sida shaqaalahaagu u isticmaali lahaayeen

Dooro door, isla markiiba waad gashay. Wax is-diiwaangelin ah ma jiraan, xogta tusaalahana habeen kasta waa la tirtiraa.

Ma doorbidaysaa shaashadda gelitaanka dhabta ah? Isticmaal username-ka iyo password-ka ku hoos qoran door kasta. Fur bogga gelitaanka ↗

Bilow

Hel qiimaha ganacsigaaga

Noo sheeg jidadkaaga, inta shixnadood ee aad bishii qaaddo iyo inta laamood ama wakiil aad leedahay, qiimo ayaan kuu soo diraynaa, badanaa maalin shaqo gudaheed.

  • Rakibidda iyo dejinta way ku jiraan
  • Waxaan ku darnaa jidadkaaga, qiimayaasha iyo laamaha
  • Tababar shaqaalahaaga
  • Taageero WhatsApp

Xogtaada waxaan u isticmaalnaa oo keliya inaan kaaga jawaabno. Asturnaanta

Products kale