U bood content-ka
Software

Garage OS: Garaash & Warshad

Job card-ka, dayactirka, khasnadda iyo stock-ga garaashkaaga.

Nidaam maamul oo loogu talagalay garaashyada iyo warshadaha baabuurta. Gaari kasta wuxuu helaa job card marka uu yimaado, kadibna wuxuu maraa baaritaanka, qiimaynta, oggolaanshaha macmiilka, lacag-bixinta, dayactirka, hubinta tayada iyo qaadashada. Cashier-ku wuxuu qaataa EVC Plus, cash, bank iyo kaar, wuxuuna daabacaa invoice-ka. Dakhliga, shaqooyinka furan iyo stock-ga hal dashboard ayaad ka aragtaa.

Garage OS: Garaash & Warshad
Garage OS: Garaash & Warshad
Muuqaal hordhac ah

Ku arag hal daqiiqo

Muuqaal gaaban oo sharaxaad leh oo ku tusaya shaashadaha dhabta ah, si aad u ogaato waxa aad helayso ka hor intaadan tijaabin demo-ga.

Muuqaallo kale YouTube
Shaashadaha

Sida uu u muuqdo

Dashboard-ka milkiilaha: dakhliga maanta, shaqooyinka furan, safka cashier-ka iyo faa'iidada bisha

Dashboard-ka milkiilaha: dakhliga maanta, shaqooyinka furan, safka cashier-ka iyo faa'iidada bisha

Makaanikadu telefoonkooda ayay ka shaqeeyaan

Makaanikadu telefoonkooda ayay ka shaqeeyaan

Astaamaha

Waxa uu qabto

Job card & socodka shaqada

Soo dhaweynta ilaa qaadashada: baaritaan, qiimayn, oggolaansho, lacag-bixin, dayactir iyo QC, mid kastaa safkiisa.

Cashier & invoice

Shaqada iyo qaybaha hal invoice. EVC Plus, cash, bank ama kaar. Daabac ama PDF ahaan u kaydi.

Baaritaan & qiimayn

Makaanikadu waxay qoraan cilladaha iyo qaybaha; finance-ku shaqada ayuu qiimeeyaa ka hor inta macmiilku oggolaan.

Qaybaha & stock-ga

Qaybaha iyadoo loo kala saaray khaanad iyo nooc, qiimaha iibsiga iyo iibka, suppliers iyo digniinta stock yar.

Ballamaha

Kalandarka ballamaha oo leh saacadaha shaqada iyo inta gaari ee waqti kasta. Qofka yimid hal riix ku beddel job card.

Macaamiil & baabuur

Macmiil kasta iyo taarikada gaari kasta oo leh taariikhda adeegga oo dhan.

La socod & adeegga xiga

Wicitaanno la socod ah kadib qaadashada iyo xasuusin marka adeegga xiga la gaaro.

Dashboard & warbixinno

Dakhliga maanta, shaqooyinka furan, safka cashier-ka, kharashyada iyo faa'iidada bisha.

U dhoofi Excel

Invoice-yada, iibka, stock-ga iyo warbixinnada maamulka toos Excel ugu dhoofi.

Doorar & ogolaansho

Admin, maareeye, soo dhaweyn, makaanik, finance, cashier, QC iyo nadiifin. Mid kastaa wuxuu arkaa shaqadiisa oo keliya.

Studio: adigu qaabee

Ku dar goobo cusub, beddel magacyada app-yada oo deji xeerarka oggolaanshaha code la'aan.

Server-kaaga

Waxaa lagu rakibaa hosting-kaaga oo leh magacaaga iyo astaantaada. Xogtaadu adiga ayay kuu gaar tahay.

Waxaa loo sameeyay sida garaashku dhab ahaan u shaqeeyo

Soo dhaweyntu waxay furtaa job card leh macmiilka, gaariga iyo cabashada. Makaanikadu wuu baaraa oo wuxuu qoraa cilladaha iyo qaybaha loo baahan yahay. Finance-ku wuxuu qiimeeyaa shaqada iyo qaybaha, macmiilku wuu oggolaadaa, cashier-kuna lacagta ayuu qaataa. Markaas kadib ayaa dayactirku bilaabmaa, sidaas darteed gaari lacag la'aan kama baxo.

Tallaabo kasta qof baa iska leh

Soo dhaweynta, makaanikada, finance-ka, cashier-ka, QC-ga iyo maareeyaha mid kastaa shaashaddiisa ayuu furaa oo wuxuu arkaa oo keliya safkiisa. Maareeyuhu hal board ayuu ka arkaa warshadda oo dhan iyo meesha baabuurtu ku sugayaan.

Marka gaarigu baxo kadib

Nidaamku wuxuu xasuustaa taariikhda gaari kasta, wuxuuna ku xasuusiyaa marka adeegga xiga la gaaro, si macaamiishu kuugu soo laabtaan.

Demo toos ah

U tijaabi sida shaqaalahaagu u isticmaali lahaayeen

Dooro door, isla markiiba waad gashay. Wax is-diiwaangelin ah ma jiraan, xogta tusaalahana habeen kasta waa la tirtiraa.

Ma doorbidaysaa shaashadda gelitaanka dhabta ah? Isticmaal username-ka iyo password-ka ku hoos qoran door kasta. Fur bogga gelitaanka ↗

Bilow

Hel qiimaha ganacsigaaga

Noo sheeg inta meelood ee shaqo, makaanig iyo laamood aad leedahay, qiimo ayaan kuu soo diraynaa, badanaa maalin shaqo gudaheed.

  • Rakibidda iyo dejinta way ku jiraan
  • Waxaan ku darnaa adeegyadaada, qalabka iyo qiimayaasha
  • Tababar shaqaalahaaga
  • Taageero WhatsApp

Xogtaada waxaan u isticmaalnaa oo keliya inaan kaaga jawaabno. Asturnaanta

Products kale